In English

Shabakadda Macluumaadka qaaxada waa shabakad aad ka kororsan karto aqoonta aad uleedahay cudurka qaaxada ama tiibishada, cudurkaas oo ah mid si ba'an usaameeya bulshada soomaaliyeed.

cilmi baaris aan ku raadinayay aragtida cudurka tiibishada ay kahaysato somalida daggan wadanka finland gaar ahaan helsinki ayey   kucadaatay in boqolkiiba sagaashan u aqoonsanyihiin qaaxadu in ay tahay cudur gaajo keento laguna dawayn karo nafaqo. taas oo dhinac marsan xaqiiqooyinka qaaxada ee ah in ay sabab utahay bakterio daawaynteedana aysan kufilnayn nafaqayn bukaanka ee loo baahanyahay Antibioitig waqti dheer laqaato.

Waxaan u sameeyay shabakaddan kadib markii ey cilmi baaristaas kucadaatay baahi ah in macluumaad af soomaali kuqoran oo qaaxada kahadlaysa ay lama huraan tahay si bulshada looga jaahil bixiyo aragtiyada kala duwan ay kahaystaan cudurka qaaxada.

Macluumaadkan waxa uu ku qoran yahay af somaali. maadaama aduunka hada uu marayo casriga teknoolojiyada( information age) umadahana ay isku dhaafeen cilmiga ayaa hadana waxaa adag inaad aragto hal beej oo af soomaali ku qoran oo caafimaadka kusaabsan ayadoo ay kun beej oo siyaasad aan sal lahayn lafa guraya aad arkayso.

Beejajkan waxay ukala qaybsanaan doonaan horudhac kooban oo kusaabsan qaaxada, waxa sababa qaaxada, calaamadaha qofka bukaanka isku arko, sida lagu baaro qofka qaba, sida lagu dawayn karo ama looga hortagi karo tiibishada.

 

©Abdullahi 2007